Mason Mount Oo Digniin Culus Loo Diray Kadib Dhaq-dhaqaaq Yada Suuqa Ee United

Kooxda Manchester United ayaa durba la saxiixatay Matheus Cunha waxayna ku dhow  yihiin dhamaystirka heshiiska Bryan Mbeumo — taasoo keentay in ay si toos ah tartan loogu galo boosaska weerarka, gaar ahaan kuwa ka dambeeya weeraryahanka dhexe (No.9), halkaas oo uu ku tartamayo Mason Mount.

Rene Meulensteen, oo hore u ahaan jiray kaaliye tababare oo Man United ah, ayaa rumeysan in Mount, oo 26 jir ah, uu wajahayo xilli ciyaareed adag.

Meulensteen wuxuu yiri:

“Waxaan aragnay Mason Mount marka uu helo waqti ciyaareed dheeraad ah, wuxuu muujiyay tamar badan wuxuuna si fiican uga muuqday meelaha khatarta ah ee xerada ganaaxa – taasoo rajo fiican lahayd.

Wuxuu dhaliyay goolal muhiim ah, laakiin su’aasha hadda jirta waa meelaha uu ku habboonaan karo iyadoo Cunha iyo suurtagalnimada Mbeumo uu ku imaanayo kooxda ay jirto.”

Wuxuu intaas ku daray:

“Mount kaliya wuxuu ka ciyaari karaa meelaha ka dambeeya weeraryahanka, maadaama uusan noqon doonin No.9, Cunha-na ma fadhiyi doono kursiga keydka. Marka, way adkaan doontaa sannadka dambe.”

Mount ayaa ku dhibtooday dhaawacyo tan iyo markii uu ka yimid Chelsea sannadkii 2023. Wuxuu xilli ciyaareedkii hore ciyaaray 26 kulan oo rasmi ah, isagoo dhaliyay 3 gool dhammaadka xilli ciyaareedka.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football