Martin Zubimendi Oo Wejiga U Bedeshay Arsenal Isagoo La Sheegay Inuu…………..

Sida uu sheegay wariyaha Suuqa Fabrizio Romano, heshiis rasmi ah ayaa la gaaray si Martin Zubimendi ugu biiro Arsenal.

Si kastaba ha ahaatee, ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa wali sugaya Real Madrid, waxaana wararka laga helayo COPE ay sheegayaan in wicitaan uu ka helo tababaraha cusub ee Xabi Alonso uu wax walba beddeli karo.

Real Madrid waxay qorsheyneysaa inay dib u soo ceshato Nico Paz kadib xilli ciyaareed cajiib ah oo uu la qaatay kooxda Como ee Serie B.

Si kastaba, Alonso wuxuu doonayaa hal ciyaaryahan oo khadka dhexe ah oo dheeraad ah, maadaama Luka Modric uu ka tagayo kooxda, Toni Kroosna uusan wali helin badal rasmi ah.

Haddii Real Madrid ay go’aansato inay la saxiixato Zubimendi, ma noqon doonto arrin adag, waxayna si fudud ugu heli karaan iyagoo bixinaya lacagta lagu burburin karo qandaraaskiisa oo ah €60 milyan.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football