Martin Zubimendi Oo Soo Gaaray London; Arsenal Ayaa Ku Dhow Iney Soo Af-jarto Heshiiska Xiddiga

Sida uu sheegay wariyaha The Athletic, David Ornstein, Martin Zubimendi ayaa ku sugan magaalada London si uu ula kulmo madaxda Arsenal ugana shaqeeyo dhamaystirka ku biiristiisa garoonka Emirates.

Arsenal ayaa u aragtay saxiixa 26-jirkan inuu yahay mid la dhammeeyay maalmo kahor, inkastoo ay jireen warar sheegaya inuu xiiso ka helayay Real Madrid.

Dadaalka lagu keenayo ciyaaryahanka waxaa hogaaminaya Mikel Arteta oo doonaya inuu xoojiyo khadka dhexe ee kooxda, kaddib bixitaankii Jorginho iyo mustaqbalka aan caddeyn ee Thomas Partey.

Arsenal ayaa diyaar u ah inay bixiso in ka badan €60 milyan oo ah qodobka lagu burburin karo qandaraaska Zubimendi ee Real Sociedad, si ay u helaan hab lacag bixin oo u wanaagsan kooxda.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football