Martin Zubimendi Oo Shaaciyay Sababta Uu Ugu Biiray Arsenal

Kooxda Arsenal ayaa si rasmi ah u xaqiijisay inay la soo wareegtay xiddiga khadka dhexe ee xulka Spain, Martin Zubimendi, oo kaga yimid Real Sociedad heshiis waqti dheer ah oo ku kacaya ku dhawaad €65 milyan.

“Waa waqti aad ugu weyn nolosheyda ciyaareed. Waa tallaabadii aan raadinayay; mid aan doonayay inaan qaado,” ayuu Zubimendi ka yiri wareysi uu bixiyay. “Kooxdu waa mid da’yar,dhiirran oo hammi sare leh.Nolosheyda waxa ugu fiican weli wey soo socdaan.”

Zubimendi, oo 26 jir ah, ayaa loo keenay inuu buuxiyo boosaska ay baneeyeen Thomas Partey iyo Jorginho. Waxa uu caan ku yahay xasilloonida, caqliga ciyaarta iyo awoodda uu kubadda ugu dhaqaajiyo si maskax ah.

Wuxuu qayb weyn ka ahaa guushii Copa del Rey ee Real Sociedad iyo sidoo kale xulka Spain ee ku guuleystay Euro 2024. Mikel Arteta ayaa u arka Zubimendi inuu yahay xiddig si wanaagsan ugu habboon falsafaddiisa ciyaareed.

“Waxaan doortay Arsenal sababtoo ah qaabka ay u ciyaaraan aad buu ugu eg yahay sida aan u ciyaaro anigu,” ayuu yiri.

 

 

 

 

 

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football