“Markii Aan U Sheegay Xaaskeyga Siduu Iila Dhaqmay, Way Ooysay”: Jonathan Tah Oo Ka Sheekeeyay Saameyntii Xabi Alonso Uu Ku Yeeshay Intuu Joogay Leverkusen

Difaaca Bayer Leverkusen, Jonathan Tah, ayaa si qiiro leh uga hadlay saameynta uu tababaraha Real Madrid, Xabi Alonso, ku yeeshay noloshiisa ciyaareed.

Tah, oo la filayo inuu si xor ah ugu biiro Bayern Munich, ayaa sheegay in Alonso uu si gaar ah ula hadlay xilli ay si weyn u socotay hadal-heynta ku aaddan mustaqbalkiisa xagaagii hore.

“Mar ay u muuqatay in heshiiska Bayern uu dhammaanayo, Xabi wuxuu ii soo diray farriin: ‘Jona, aan wada hadalno.’ Waxaan tagnay qol gaar ah, hadaladii uu igu dhahay waxey igu yeesheen saameyn gaar ah. Wuxuu leeyahay soo jiidasho dabiici ah oo aan si sahal ah loo qeexi karin,” ayuu Tah ku sheegay wareysi uu siiyay Player’s Tribune.

“Wuxuu iila hadlay si qoto dheer oo ixtiraam leh, isagoo i xasuusiyay doorkayga kooxda iyo sida aan u saameeyo saaxiibadayda. Wuxuu ii muujiyay inaan ahay qof gaar ah, wuxuuna yiri: ‘Iska iloow wararka suuqa iyo qandaraaska. Inta aad halkan joogto, waan ku garab istaagayaa.’”

“Wuxuu awooday inuu iska key fogeeyo, i geeya kooxda labaad, laakiin taa ma uusan samayn. Wuxuu ila dhaqmay sida qoys,” ayuu Tah hadalkiisa ku daray.

“Markii aan guriga tegey oo aan u sheegay xaaskeyga wuxuu sameeyay Xabi, way ooyday.”

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football