Sida laga soo xigtay warbaahinta reer Portugal ee Record, Viktor Gyökeres ayaa u sheegay kooxda Sporting in uusan mar dambe u ciyaari doonin haddii aan la fasaxin xagaagan.
Weeraryahanka xulka qaranka Sweden ayaa lala xiriirinayay kooxo badan toddobaadyadii u dambeeyay, iyadoo Manchester United ay haatan noqotay kooxda ugu dhow saxiixiisa.
Wararka ayaa sheegaya in Gyökeres uu la galay Sporting heshiis afgarad ah oo ogolaanaya inuu baxo haddii la keeno dalab gaaraya £59 milyan.
Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha kooxda reer Portugal ayaa beeniyay sheegashadaas, isagoo intaa ku daray in “hanjabaad iyo baad aysan shaqeyneyn”. Arrintan ayaa la sheegay inay Gyökeres aad uga xanaajisay.