Marcus Rashford Oo Oggolaaday Inuu Ku Biiro…………..

Weeraryahanka Manchester United Marcus Rashford ayaa lagu soo warramayaa inuu oggol yahay mushaar dhimis si uu ugu biiro Barcelona si amaah ah, iyadoo aan wax heshiis joogto ah lala galin, sida uu qoray suxufiga Toni Juanmarti.

Xaalada 27-jirkan ayaa si degdeg ah isu beddeleysa iyadoo Barcelona ay u aragto heshiiska amaahda mid khatar yar ku fadhiyo oo ku habboon xaalada dhaqaale ee adag ee kooxda. United ayaa dooneysa inay iska dejiso culeyska mushaharka Rashford oo ah £350,000 toddobaadkii, waxayna ku qiimeynayaan ciyaaryahanka qiyaastii £40 milyan, balse Barcelona kama bixi karto lacagtaas waxayna kaliya dooneysaa xal ku-meel-gaar ah.

Wadahadallo hore ayaa durba dhexmaray wakiilada Rashford iyo Agaasimaha Ciyaaraha Barca, Deco, taasoo muujineysa xiisaha kooxda reer Spain.

Inkastoo Barcelona ay weli mudnaanta siineyso bartilmaameedkooda koowaad oo ah xiddiga Liverpool, Luis Diaz, hadana diyaar garowga Rashford ee inuu ugu soo biiro si amaah ah wuxuu siinayaa Barca fursad kale oo ay weerarka ku xoojin karto xagaagan.

Waxaa la filayaa in isbeddelo cusub ay dhacaan toddobaadyada soo socda.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football