Weeraryahanka reer England Marcus Rashford ayaa ka hadlay dooda Ballon d’Or, isagoo muujiyay in abaalmarintaas lagu bixin karo laba dariiqo oo kala duwan.
“Ballon d’Or? Waxay ku xiran tahay,” ayuu Rashford yiri. “Haddii aad u codeynayso ciyaaryahanka ugu wanaagsan, waa Lamine. Haddii aad u codeynayso kan ku guuleystay Champions League, markaas waa Dembélé. Dhammaan waxay ku xiran tahay sida aad dareemayso.”
Hadalka Rashford ayaa muujinaya labo aragti oo kala ah: mid qofka si shaqsi ah ugu fiicnaa xilli ciyaareedka, iyo mid qofka guulo kooxeed gaaray – gaar ahaan tartanka Champions League. Lamine Yamal ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah oo ay dad badan u arkaan inuu yahay ciyaaryahanka sanadka, halka Ousmane Dembélé uu qeyb weyn ka qaatay ku guuleysiga kooxdiisa ee tartanka Champions League.
Rashford u muusan dooran mid si toos ah, balse wuxuu si miyir leh u tilmaamay in go’aanka ugu dambeeya uu gacanta ugu jiro taageerayaasha iyo wariyeyaasha: “Wax walba waxay ku xiran yihiin sida aad u aragto.”