Marcelo Oo Ka Hadlay Caafimaadkiisa Iyo Hadii Uu Taam u Yahay Kulamada Soo Aadan Ee Kooxdiisa.

Daafaca reer Brazil Marcelo ayaa u muuqda mid taam buuxa u ah inuu ciyaaro kulamada soo aadan ee kooxdiisa maadaama uu tababar buuxa ee kooxda kusoo laabtay iyadoo inta ugu badan xiddigaha ay ku maqan yahiin waajibaad qaran.

Marcelo kama soo muuqan kooxdiisa Los Blancos tan iyo markii ay guuldarada kala kulantay dhigeeda Sevilla kulan ka tirsan horyaalka La Liga oo dhacay September maadaama uu dhaawac kasoo gaaray canqawga.

Isbuucaan ayuu tababarka kooxda kusoo laabtay, war wanaagsan ayaana usoo yeeray tababaraha aadka loo cadaadinayo waqtigaan ee Julen Lopetegui kaas oo la murugsanaa xaaladda dhaawaca xiddigiisa reer Brazil.

“Waan fiicanahay, waxaan ahay mid 100% ku dhaw inuu taam yahay” ayuu yiri Marcelo oo la hadlayay AS.

“Si fiican ayaan u tababartay, waa maalinkii labaad oo aan ku tababarto kubadda, balse waan ku faraxsanahay hormarka aan sameeyay”

“Kulamada fasaxa caalamiga ah wuu ii fiicnaa si aan u noqdo mid heer sare ah kulamada xiga”

Los Blancos 20-ka bishaan waxey la ciyaari doontaa Levante, halka 28-ka October ay kulanka El-Clasico la ciyaari doonaan Barcelona.