Manchester United Oo Xasuuq U Geysatay Dhigeeda Fulham, Afar Xiddig Oo Red Devils Ah Oo Shabaqa Gaadhay Xilli Kooxda Mourinho Ay Wadada Guulaha Kusoo Noqotay

Manchester United ayaa guul weyn ka gaadhay kooxda Fulham oo marti ugu ahayd Old Trafford, Kulankan ayaa ahaa mid ay Red Devils kaga maydhatay dhibaatadii soo haysatay afartii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka oo aysan wax guul ah soo arag.

Guushan ayaa ahayd mid ay kooxda Jose Mourinho ka saacideen xiddigaha kala ah Ashley Young, Juan Mata, Romelu Lukaku iyo Marcus Rashford oo dhammaantood shabaqa gaadhay.

Shaxihii Labada Kooxood Ee Kulankan:

Man Utd: De Gea, Dalot, Smalling, Jones, Young, Matic, Herrera, Mata, Rashford, Lingard, Lukaku

Fulham: Rico, Odoi, Mawson, Ream, Bryan, Schurrle, Seri, Anguissa, Sessegnon, Cairney, Mitrovic

Falanqaynta Guud Ee Kulanka:

Kulankan ayaa ku bilawday qaab ay awood sarre oo cadaan ah leedahay kooxda Jose Mourinho ee Manchester United isla markaana ay si guud ahaaneed u maamulaysay weerarada iyo kubad haysashada labadaba.

GOOAL: Goolka koowaad ee Man United ayaa noqon mid soo daahay, Marcus Rashford ayaa kubad u dhiibay Ashely Young, intaa kaddib Young ayaa kubadda ka farsamaystay daafaca Fulham isla markaana kubad gantaal ah halka sarre ka galiyay shabaqa.

Weeraryahanka Fulham ee Aleksander Mitrovic ayaa daqiiqadii 20-aad ee ciyaarta sameeyay darbada ugu horreysa ee kooxdiisa Fulham balse isku daygiisa ayuu si sahal ah ku qabsaday goolhaye David De Gea.

GOOAL: Markale United, Rashford ayaa sidii goolkii furitaanka markale goolka labaad ka caawiyay Juan Manuel Mata, Xiddigii hore ee Chelsea oo kulankan kusoo bilawday ayaa xagal hoose ka dhaliyay caawin hadiyad ah oo uga timid Rashford.

Rashford ayaa isku dayay inuu markiisa shabaqa soo taabto daqiiqadii 37-aad ee kulanka, 20 Jirka Red Devils ayaa darbad xoogan ku tuuray goolhaye Rico balse goolhayaha ree Spain ayaa markan gool ogolaan waayay.

GOOAL: Man United ayaa rajada kooxda Claudio Ranieri ee kulankan qaybtii horeba god dheer ku riday, Juan Mata oo kulankan si aad ah u shaqeeyay ayuu gool si fudud ku dhashay u dhigay Romelu Lukaku.

Markale Lukaku ayaa ku sigtay inuu goolka afraad noqona lahaa midkiisa labaad kooxdiisa u dhaliyo kahor dhammaadka qaybta hore walow uusan shabaqa la gaadhin.

Qaybta hore ee kulanka ayaa kusoo dhammaatay hoggaan buuxa oo ay ku naaloonayso Man United oo soo bandhigtay ciyaar ay xilli ciyaareedkan oo idil jamaahiirteedu ka waayeen.

GOOAL: Kooxda Fulham ayaa qaybtii dambe ee kulankan la timid goolka ay iskaga biisay ceebta, Aboubakar Kamara ayaa gool u sarifay rigoore uu isla isaga kugalay Ander Herrera.

Daafaca Fulham ee Anguissa ayaa sii xumeeyay xaalada kooxdiisa kaddib markii uu qalad aad u xun oo uu galay ku mutaystay kaadhka cas.

Intaa kaddib xiddigaha Man United ayaa qaaday weeraro culus oo ay doonayaan inay kula yimaadaan goolka afraad balse Rico ayaa bad-baadiyay fursado wanaagsan oo ay sameeyeen Lukaku iyo Rashford

GOOAL: Da’yarka kulankan sida aadka ah iskugu muujiyay ee Rashford ayaa markiisa shabaqa soo taabtay waxaana goolkan caawintiisa lahaa Ashley Young oo gool iyo gool caawin sameeyay

Kulanka ayaa kusoo dhamaaday guul weyn oo ay gaadhay Man United isla markaana kaga baxday natiijo xumadii kooxdeeda soo haysatay afartii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka.

1 Aragti ayaa laga dhiibtay warbixintaan

  1. Asc asxbta galabta mesha waxaa kamaqnaa fayraskii teamka kujiray waa pogpa

Comments are closed.