Manchester United ayaa billowday wadahadallo deg-deg ah si ay ula saxiixdaan weeraryahanka Chelsea, Christopher Nkunku, sida ay ku warramayaan warar kasoo baxay France (L’Équipe).
Nkunku, oo £53 milyan ugu soo wareegay Chelsea sannadkii 2023, ayaa la kulmay waqti adag oo Stamford Bridge ah, isagoo inta badan ku maqnaa dhaawacyo xilli-ciyaareedkiisii ugu horreeyay, waxaana uu kaliya 9 jeer kusoo bilowday kulamo Premier League ah xilli-ciyaareedkii 2024-25.
Tababaraha cusub ee Manchester United, Ruben Amorim, ayaa si weyn u doonaya inuu dib u habeeyo weerarkiisa, kaddib markii uu ka niyad-jabay waxqabadka Rasmus Højlund iyo Joshua Zirkzee, kuwaasoo kaliya 7 gool dhaliyay xilli ciyaareedkii ugu dambeeyay ee Premier League.
Inkastoo Amorim uu horey ula soo wareegay Matheus Cunha oo £62.5 milyan kaga yimid Wolves, haddana wuxuu doonayaa weeraryahanno dheeraad ah oo tartan geliya safka hore, si uu kooxda uga saaro dhibaatada la degtay, iyadoo Red Devils ay xilli ciyaareedkii hore ku dhammeysatay kaalinta 15-aad.
Nkunku ayaa hoos uga dhacay kala horeynta ciyaartooyda la doorbido ee Chelsea tan iyo imaatinka tababare Enzo Maresca, waxaana United hadda u muuqataa inay diyaar u tahay inay siiso fursad uu kaga tagayo Stamford Bridge.
Wadahadallada horudhaca ah ayaa durba la bilaabay, iyadoo Manchester United ay si rasmi ah u weydiisay chelsea xaaladda Nkunku.