Manchester United Oo U Dhaqaaqeysa Xiddiga Loogu Hadal-heynta Badan Yahay Horyaalka Talyaaniga

Kooxda Manchester United ayaa markale indhaha ku haysa horyaalka Talyaaniga iyagoo raadinaya weeraryahan cusub, sidii ay horey u sameeyeen saxiixii Rasmus Hojlund dhowr xilli ciyaareed ka hor.

Sida laga soo xigtay Calcio Mercato, United ayaa la rumeysan yahay inay damacsan tahay inay dalab u gudbiso weeraryahanka Inter Milan, Marcus Thuram, kaasoo heshiiskiisa lagu burburin karo aduun dhan £73 milyan (€85 milyan).

Warkan wuxuu intaas ku darayaa:

“Thuram waxaa aad looga hadal-hayaa horyaalka Premier League. Kooxaha sida Arsenal iyo Manchester United ayaa xiiseynaya weeraryahanka lambarka 9-aad, kuwaasoo raadinaya xiddig buuxiya booska weerarka dhexe.”

Sidoo kale, PSG lama yareysan karo dadaalka ay gelineyso saxiixiisa, maadaama ay xiiseynayeen Thuram sanadkii 2023, kahor inta uusan si xor ah ugu biirin Inter.

Manchester United ayaa sidoo kale lala xiriirinayay laacibiinta Liam Delap iyo Bryan Mbeumo, balse illaa hadda waxay kaliya dhammeystireen saxiixa Matheus Cunha, iyadoo suuqa kala iibsiga uu si tartiib tartiib ah u galayo marxaladdiisa ugu kulul.

 

 

1 COMMENT

  1. Waxaas oo dhan been lagu raadinayo views iyo click waayo man utd waxa lagu yaqaanaa soo iibsashada 1 ciyaar yahan sandkiiba…cunha ayayna so iibsadeen waana isku dhammaatay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football