Tababaraha cusub ee Manchester United, Ruben Amorim, ayaa qorsheynaya in safarka Mareykanka ee kooxda uu ka reebo afar xiddig: Marcus Rashford, Jadon Sancho, Alejandro Garnacho, iyo Antony, kuwaas oo dhamaantood la geliyay liiska iibka ee kooxda.
United ayaa wajahday xilli ciyaareed adag oo ay ku dhammeysteen kaalinta 15-aad ee Premier League, iyadoo sidoo kale laga badiyay finalkii Europa League ee ay la ciyaareen Tottenham. Sida ay sheegtay The Sun, United waxay rajaynaysaa in laacibiintan la iibiyo goor hore ka hor billowga xilli ciyaareedka cusub. Haddii aysan helin kooxo cusub, waxay kaligood ku tababaran doonaan garoonka Carrington.
Amorim wuxuu doonayaa koox yar oo tayaysan, kuna saleysan falsafadiisa ciyaareed. Rashford waxaa amaah loogu diray Aston Villa, halka Sancho uu Chelsea ku sugnaa. Antony wuxuu xilli ciyaareed fiican ku qaatay Real Betis, laakiin United diyaar bay u tahay inay khasaare aqbasho si ay u fasaxdo. Garnacho, inkasta oo uu muujiyay karti, wuxuu dhaliyay kaliya 7 gool, 51 kulan.
United waxay durba la saxiixatay Matheus Cunha (£62.5m), waxayna sidoo kale ku dhow yihiin Bryan Mbeumo oo ka tirsan Brentford.