Sida uu qorayo The i News, Manchester United ayaa rajaynaysa in haddii Bruno Fernandes go’aansado inuu ka tago kooxda xagaagan, ay fursad u heli doonaan inay sii heystaan Kobbie Mainoo.
Fernandes, oo ah kabtanka kooxda, ayaa si dhab ah uga fiirsanaya dalab weyn oo uga yimid kooxda Al Hilal ee ka ciyaarta horyaalka Sucuudiga.
Inkasta oo United ay dooneyso inay sameyso iib weyn si ay dhaqaale u hesho, Mainoo ayaa ah mid si gaar ah qiimo ugu leh kooxda maadaama uu kasoo baxay akadeemiyada, taasoo ka dhigan in iibkiisu noqon lahaa “faa’iido saafi ah.”
Chelsea iyo kooxo kale ayaa xiiseynaya laacibka da’da yar, balse ilo ku dhow kooxda ayaa sheegaya in haddii Fernandes baxo, United aysan u baahnaan doonin inay fasaxdo Mainoo.
Tani waxay noqon kartaa talaabo muhiim ah oo lagu ilaalinayo mustaqbalka da’yarka reer England ee Old Trafford.