Manchester United ayaa ku dhow in ay dhamaystirto heshiiska weeraryahanka Brentford ee Bryan Mbeumo, kadib wadahadallo horumar leh oo dhacay Jimcihii la soo dhaafay.
Kooxda ka dhisan Old Trafford ayaa la rumeysan yahay inay si weyn ugu kalsoontahay in la gaaro heshiis buuxa, iyadoo qiimihii ay Brentford ku dooneysay Mbeumo uu hadda noqday mid la gaari karo.
Mbeumo ayaa loo arkaa ciyaaryahan firfircoon oo si weyn uga faa’iideysan kara safka Ruben Amorim, isagoo xoojin doona weerarka kooxda United xilli ciyaareedka soo socda.
Wadahadallada u dhexeeya labada kooxood ayaa ku dhow gabagabo, iyadoo la filayo in heshiiska si rasmi ah loo dhamaystiro maalmaha soo socda.
Red Devils ayaa aad ugu rajo weyn in Mbeumo uu noqdo saxiix muhiim ah oo sare u qaada tayada weerarka kooxda.
Waxaa la filayaa in heshiisku gaaro qiimo ku dhow £60 milyan oo ginni.