Manchester United Oo Qarka U Saaran Iney Lasoo Wareegto Viktor Gyokeres

Kooxda Manchester United ayaa billowday dadaallo xilli hore oo ay kula soo saxiixanayso weeraryahanka kooxda Sporting CP ee Viktor Gyokeres, sida ay ku warrantay Sky Sports.

Wararka ayaa sheegaya in kooxda Ingiriiska ay iyada oo adeegsaneysa wakiillo gaar ah la xiriirtay Sporting si ay u ogaato shuruudaha suurtagalka ah ee heshiis xagaaga la isku afgarto.

Gyokeres waxaa si weyn u qiimeeya tababaraha Sporting CP, Ruben Amorim, waxaana la fahamsan yahay in Manchester United ay hadda baarayso fursadaha ay ku heli karto saxiixa weeraryahanka reer Sweden.

Inkasta oo ay jiraan hadal-heyn badan oo ku saabsan xoojinta weerarka, Rasmus Højlund ayaa si cad u sheegay inuu doonayo inuu u dagaalamo booskiisa garoonka Old Trafford xilli ciyaareedka soo socda. Si kastaba ha ahaatee, United ayaa weli ku jirta raadinta xoojinta weerarkeeda.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football