Manchester United ayaa heshay dalab dhan £80 milyan oo kaga yimid kooxda Al Hilal ee horyaalka Saudi Pro League si ay uga iibiyaan kabtankooda Bruno Fernandes.
Kooxda reer Sucuudiga ayaa diyaar u ah inay bixiso lacagtaas culus si ay uga dhaadhiciso United inay iska fasaxdo ciyaaryahankooda muhiimka ah.
Warbixin ay baahisay The Athletic ayaa sheegtay in Al Hilal ay horay ula xiriireen Bruno Fernandes iyagoo u soo bandhigay qandaraas afar sano ah oo uu ku qaadanayo £21 milyan sanadkii.
Al Hilal waxay si dhab ah u doonaysaa inay lasoo saxiixato xiddiga reer Portugal xagaagan, waxaana muuqata in aysan ka baqanayneyn qiimaha sare ee la saaray.
Tababaraha Manchester United, Ruben Amorim, ayaa amaanay Bruno Fernandes kadib guushii 2-0 ahayd ee ay ka gaareen Aston Villa Axadii, isagoo sheegay inuu yahay laacib muhiim u ah kooxda.
Si kastaba ha ahaatee, mustaqbalka Bruno Fernandes weli waa mid aan la hubin, kadib markii Man United ay ku dhameystay kaalinta 15-aad ee Premier League taasoo sababtay in ay seegto Champions League kaddib markii ay 1-0 uga awood roonaatay Tottenham final-ka Europa League.