Manchester United Oo Lagu Ganaaxayo £10 Milyan Kaddib Guuldarradii Finalka Europa League

Guuldarradii Manchester United ka soo gaartay Tottenham Hotspur kulankii kama dambaysta ahaa ee Europa League ma ahayn mid kaliya ka hor istaagay inay u soo baxaan Champions League xilli ciyaareedka soo socda, balse waxay sidoo kale sababtay khasaare dhaqaale oo weyn.

Sida laga soo xigtay warbixin ay daabacday Mirror, kooxda Red Devils ayaa qandaraas lacageed oo weyn kula jirta shirkadda Adidas, taasoo dhigaysa inay kooxda si joogto ah uga qeyb gasho tartanka Champions League. Balse maadaama ay United si liidata uga ciyaartay horyaalka Premier League isla markaana laga badiyay finalka Europa League, waxay markale seegi doonaan Champions League xilli ciyaareedkii labaad oo xiriir ah – taasoo jabinaysa shuruudihii qandaraaskooda.

Jabintan waxay ka dhigan tahay in Manchester United ay tahay inay bixiso ganaax dhan £10 milyan oo ginni oo ay ku khasabtay shirkadda Adidas, taasoo saameyn ku yeelaneysa xaalada dhaqaale ee kooxda oo mar horeba la daalaa-dhacaysay dhibaatooyin gudaha garoonka iyo dibeddiisa.

Marka laga soo tago ganaaxa, kooxda ayaa sidoo kale lumisay malaayiin ginni oo ahayd dakhliga laga helo ka qeybgalka Champions League, taasoo ka dhigaysa xilli ciyaareedkan mid ka mid ah kii ugu niyad-jabsanaa taariikhdooda dhow. Tani waxay noqonaysaa markii ugu horreysay tan iyo xilli ciyaareedkii 2014/15 ay Manchester United labo sano oo xiriir ah ka maqnaato Champions League.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football