Manchester United Oo Ku Dhow Iney Soo Xero-geliso Weeraryahan Mucjiso Ah Oo Liverpool Horay Isaga Diiday

Manchester United ayaa horumar ka sameysay wadahadalladii ay kula jireen kooxda Eintracht Frankfurt ee ku aaddanaa saxiixa weeraryahanka 22-jirka ah ee Hugo Ekitike.

Sida ay warbixinnadu sheegayaan, Ekitike wuxuu u furan yahay inuu u wareego Old Trafford, iyadoo United ay si toos ah ula xiriirtay wakiilladiisa si ay u dedejiso suurtagalnimada heshiiska.

Xiisaha United ee Ekitike ayaa yimid kadib markii weeraryahanka Sporting CP Viktor Gyokeres uu iska diiday inuu u wareego United.

Tababaraha cusub ee United, Ruben Amorim, ayaa doonaya inuu xoojiyo weerarka kooxdiisa, waxaana Ekitike oo caan ku ah gooldhalinta si weyn indhaha ugu haya maamulka kooxda.

Ekitike ayaa xagaagii hore uga soo wareegay PSG isagoo ku biiray Frankfurt qiime dhan £14 milyan. Wuxuu durba noqday mid si weyn loo raadinayo, iyadoo kooxo ay ka mid yihiin Liverpool iyo Chelsea lala xiriirinayo.

Si kastaba, United weli kama aysan gudbin dalab rasmi ah, waxaana la sugayaa in la arko haddii ay awoodi doonaan inay dhammeystiraan saxiixa xiddigan, oo heshiis kula jira Frankfurt ilaa 2029.

 

 

1 COMMENT

  1. Muxuuu yahay hormarka
    Hormar ayey ka gaareen ilaaa hada kooxdiisa lama hadlin
    Wqxaaan umalayn meesha aaad ka soo xigateeen ayeyna fahmin u gartay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football