Manchester United Oo Ku Biirtay Tartanka Loogu Jiro Xiddiga Lyon – Malick Fofana

Kooxda Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay si rasmi ah ugu biirtay tartanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka kooxda Lyon, Malick Fofana, sida ay baahisay L’Équipe.

Xiddiga reer Belgium, oo 20 jir ah, ayaa noqday bartilmaameed cusub oo ka mid ah qorshaha suuqa xagaaga ee Red Devils. Wararka ayaa sheegaya in Chelsea iyo Liverpool sidoo kale ay indhaha ku hayaan laacibkan.

Qiimaha Fofana

Lyon ayaa la fahamsan yahay inay dalbaneyso in ka badan €50 milyan (£42.7m) si ay u fasaxdo Fofana. Wadahadallo ayaa la sheegay in ay u bilowdeen wakiilkiisa iyo kooxo Ingiriis ah.

Waxqabadka Xilli Ciyaareedkii Hore

Fofana wuxuu xilli ciyaareedkii la soo dhaafay  dhaliyay 11 gool dhammaan tartamada wuxuuna si weyn u soo jiitay indhaha kooxaha waaweyn. Waxaa sidoo kale jira shaki laga muujinayo in uusan kasoo qeyb geli doonin tababarka furitaanka pre-season ee Lyon 7-da July, taasoo sii hurinaysa hadalheynta ku aaddan bixitaankiisa.

Fofana ayaa hore uga soo muuqday kulan ka dhacay Old Trafford oo ka tirsanaa Europa League, halkaasoo uu caawiye ka noqday mid ka mid ah goolashii ciyaartii ku dhammaatay 5–4, oo ay Lyon guusha ku raacday.

Manchester United ayaa horey u dhammeystirtay saxiixa Matheus Cunha xagaagan, waxayna haystaan waqti ku filan oo ay ku dhammeystiraan heshiisyada inta aan la gaarin xiritaanka suuqa kala iibsiga ee 1-da September.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football