Chelsea ayaa diyaar u ah inay iska iibiso Christopher Nkunku xagaagan, iyadoo lagu qiimeeyay €41 milyan, sida ay sheegtay The Mirror. Qiimahan ayaa aad uga hooseeya €61 milyan oo ay kooxda reer London ku bixisay 2022.
Wararka ayaa tilmaamaya in Nkunku uusan qeyb ka ahayn qorshaha tababare Enzo Maresca, gaar ahaan marka la eego saxiixyada cusub ee Liam Delap, Joao Pedro, iyo Jamie Bynoe-Gittens oo kooxda kaga soo biiray Borussia Dortmund.
Chelsea ayaa sidoo kale wajahaysa cadaadis dhanka dhaqaalaha ah, iyadoo UEFA horey ugu ganaaxday €31 milyan sababo la xiriira jebinta xeerarka dhaqaale ee ciyaaraha. Sidaas darteed, kooxda ayaa ku qasban inay iibiso ciyaartoy si ay u hagaajiso miisaaniyadeeda.
Manchester United oo raadinaysa weeraryahano cusub ayaa xiiseyneysa Nkunku, waxaana lagu daray liiskooda bartilmaameedyada suuqa xagaaga. In kasta oo Bryan Mbeumo oo ka tirsan Brentford uu yahay mudnaanta koowaad ee United, haddana haddii heshiiskaas uu dhaco ama uu hakado, Red Devils waxay u wareegi karaan dhanka Nkunku.