Manchester United ayaa la sheegayaa inay si dhow ula socdaan xiddiga khadka dhexe ee Sporting Lisbon, Pedro Gonçalves, iyadoo Bruno Fernandes si adag loola xiriirinayo kooxda reer Sacuudi ee Al-Hilal, sida uu qoray Mirror.
Al-Hilal ayaa diyaar u ah inay Manchester United ka gudbiyaan dalab dhan £100 milyan si ay u helaan Bruno, iyagoo sidoo kale diyaariyay heshiis qandaraas oo 3 sano ah, qiimihiisuna yahay £180 milyan – taasoo ka dhigaysa mid aad u adag in la diido.
United ayaa horeba u daba socotay Pedro Gonçalves, waxayna diyaar u yihiin inay la yimaadaan £70 milyan haddii Bruno go’aansado inuu aqbalo dalabka Sacuudiga. Gonçalves ayaa ku caan baxay doorkiisa weerar, isagoo ciyaari kara garabka iyo khadka dhexe, wuxuuna sanadkan dhaliyay 6 gool, caawiyayna 7 kale 20 kulan gudahood.
Fernandes, oo 30 jir ah, ayaa weli ah tiir-dhexaadka kooxda, balse United waxay u aragtaa Gonçalves beddel mustaqbal leh. Ruben Amorim, macallinka United, ayaa doonaya inuu xajisto kabtankiisa, balse lacagta laga helo iibkaas ayaa la filayaa inay ka caawiso dib-u-dhiska kooxda.
Go’aanka kama dambaysta ah ayaa lagu sheegay inuu Bruno gacanta ku hayo, iyadoo Al-Hilal la sheegay inay dejisay waqtiga kama dambaysta ah ee go’aanka Bruno.