Manchester United Oo Hoos U Dhigtay Qiimaha Suuqa Ee Garnacho Iyadoo Albaabada U Furtay Kooxaha Doonaya

Alejandro Garnacho ayaa si lama filaan ah u noqday bartilmaameedka ugu weyn ee Napoli, kuwaasoo doonaya xiddig cusub oo buuxiya booska Khvicha Kvaratskhelia – kaasoo u wareegay PSG.

Manchester United ayaa la sheegayaa inay diyaar u tahay inay ku iibiso Garnacho aduun dhan £40M, inkastoo uu weli heshiis kula jiro kooxda ilaa sanadka 2028.

Napoli waxay Garnacho u ballan qaaday boos joogto ah oo safka koowaad ah, taasoo laga yaabo inay ka dhaadhiciso inuu iska illoobo Premier League – inkastoo uu hore u sheegay inuu jecel yahay inuu sii joogo England.

Waxaa horay loo shaaciyay in Amorim uu qorshihiisa xilli ciyaareedka cusub ka saaray isagoo Garnacho u sheegay inuu koox kale raadsado.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football