Manchester United oo heshiis hordhac ah la gaartay Ipswich Town si ay u helaan Liam Delap, iyadoo go’aanka ugu dambeeya laga sugayo ciyaaryahanka.
Manchester United ayaa qaaday tallaabo weyn oo ay ku doonayso inay ku soo xero geliso weeraryahanka da’da yar ee Liam Delap, kadib markii ay la galeen kooxda Ipswich Town heshiis hordhac ah, sida uu warinayo ESPN.
Kooxda Red Devils ayaa diyaar u ah inay dhaqaajiso qodobbada heshiiska ee lagu fasaxayo Delap, oo ah £30 milyan, balse waxa hadda la sugayaa go’aanka ciyaaryahanka 22 jirka ah ee ku saabsan mustaqbalkiisa.
Manchester United ayaa horay ugala heshiisay wakiillada Delap arrimaha mushaharka iyo shuruudaha shaqsiga ah, taasoo ka dhigaysa in haddii uu oggolaado, heshiiska si dhakhso leh u dhammaan karo.
Delap ayaa xilli ciyaareedkan dhaliyay 12 gool kana caawiyay 2 kale 40 kulan oo uu u saftay Ipswich Town, inkasta oo kooxdaas ay hoos ugu dhacday heerka Championship.
Waxaa la sugayaa go’aanka ciyaaryahanka si loo dhammeystiro saxiixa.