Manchester United Oo Go’aan Ku Gaartay Iney Ceyriso………

Manchester United ayaa hoos u dhigtay qiimaha ay ka doonayaan kooxaha xiiseynaya inay xagaagan lasoo saxiixdaan Alejandro Garnacho.

Kooxda Chelsea ayaa ka mid ah kooxaha la sheegay inay xiiseynayaan saxiixa xiddiga reer Argentina.

United ma joojin doonto Garnacho inuu ka tago Old Trafford xagaagan kaddib xilli ciyaareed muran badan lahaa, inkastoo xiddigu uu dhaliyay 11 gool isagoo bixiyay 10 caawin dhammaan tartamada.

Kooxda Red Devils ayaa ku dhammeysan doonta xilli ciyaareedkan iyaga oo aan ku guuleysan wax koob ah, kaddib markii ay ku guuldareysteen ciyaartii finalka Europa League ee Arbacadii.

Garnacho ayaa ka yimid xarunta tababarka ee kooxda, isagoo lagu soo daray kooxda waaweyn sanadkii 2022, wuxuuna beddel kusoo galay ciyaartii kama dambeysta ee ka dhacday magaalada Bilbao isagoo u wada saftay United ciyaaraha knock-out-ka oo dhan.

Kadib ciyaartaas, Garnacho ayaa si kulul u dhaleeceeyay tababare Ruben Amorim, isagoo sheegay inuu dareemay niyad-jab markii uu ku qasbanaaday inuu fadhiisto keydka.

Xiddiga reer Argentine ayaa xilli ciyaareedkii hore lala xiriiriyay kooxaha Chelsea iyo Napoli, laakiin heshiisyadaasi ma aysan dhicin.

Iyada oo uu si furan u muujiyay cabashadiisa, mustaqbalkiisa Old Trafford ayaa hadda laga yaabaa inuu ku xirnaado go’aanka tababaraha reer Portugal ee Ruben Amorim.

Sida laga soo xigtay warbixinta Telegraph, kooxda Ruben Amorim ayaa hadda diyaar u ah inay iibiso garabka, waxaana ay aqbali doonaan dalab dhan £60 milyan, taasoo ka hooseysa £70 milyan oo la sheegay in United ay dooneysay sida laga soo xigtay The Guardian bishii Febraayo.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football