Manchester United Oo Dherbaaxo Kale Kala Kulantay Brentford; Waxaa Looga Soo Jawaabay Dalabkii Mbeumo

Kooxda Brentford ayaa markale diiday dalab labaad oo uga yimid Manchester United si ay u helaan saxiixa weeraryahanka Bryan Mbeumo, sida ay xaqiijisay Sky Sports. Dalabka cusub ee ay United soo bandhigtay ayaa ahaa £62.5 milyan.

United ayaa horey u soo dirtay dalab gaaraya £55 milyan, balse Brentford ayaa si cad u diiday. Kadib, kooxda reer Manchester waxay kor u qaaday dalabka iyadoo gaarsiisay isla qiimihii ay dhawaan ku qaateen Matheus Cunha oo ay kala soo wareegeen Wolves.

Warbixinta Sky Sports ayaa sidoo kale sheegtay in wadahadallada labada dhinac ay weli socdaan, maadaama Mbeumo uu doonayo inuu ku biiro Manchester United, inkasta oo ay Tottenham Hotspur sidoo kale muujisay xiise, ayna horey u la hadashay Brentford.

Waxaa xusid mudan in Bryan Mbeumo uu xilli ciyaareed cajiib ah ku qaatay Brentford, isagoo dhaliyay 20 gool isla markaana bixiyay 7 caawin oo horyaalka Premier League, taasoo ka dhigeysa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu xiisaha badan suuqa kala iibsiga xagaagan.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football