Manchester United Oo Ceyrineysa Onana; Beddelkiisa Oo Laga Helay Talyaaniga

Sida uu warinayo wariyaha Talyaaniga ah Alfredo Pedullà, Manchester United ayaa kordhinaysa dadaalladooda si ay u la saxiixdaan goolhayaha kooxda Atalanta, Marco Carnesecchi.

Waxaa la sheegay in United ay diyaarisay dalab dhan €40 milyan oo lagu daray gunnooyin suurtagal ah si loo gaaro qiimaha Atalanta ee ah €50 milyan.

United ayaa u aragta Carnesecchi inuu yahay xalka muddada dheer ee booska goolhayaha, iyadoo wali ay jiraan dhibaatooyin la xiriira qaab ciyaareedka Andre Onana, kaasoo laga yaabo iney la wareegaan kooxaha Saudi Pro League.

Si kastaba ha ahaatee, Onana waa in marka hore la iibiyo ka hor inta aysan United u dhaqaaqin raadinta beddelkiisa.

Goolhayaha reer Talyaani, oo toddobaadka dambe noqonaya 25 jir, ayaa ciyaaray 88 kulan oo Serie A ah iyo 9 kulan oo Champions League ah.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football