Wargeyska MARCA ayaa tebinaya Isbedel lama filaan ah, iyadoo kooxaha Manchester United ee Ingiriiska iyo Barcelona ee Spain ay wadahadallo ku jiraan si ay u sameeyaan is-weydaarsi weyn oo ciyaartooy ah.
Manchester United ayaa diyaar u ah inay u dirto weeraryahanka Marcus Rashford oo 27 jir ah dalka Spain. Rashford kuma jiro qorshaha tababaraha cusub ee Ruben Amorim wuxuuna lixdii bilood ee la soo dhaafay amaah ku joogay Aston Villa.
Rashford ayaa muddo dheer qorsheynayay inuu ka tago Premier League, wuxuuna si furan u oggol yahay inuu ku biiro kooxda reer Catalonia. Si uu heshiiska u suurtagalo, waxaa la sheegaya inuu diyaar u yahay inuu aqbalo mushaar dhimis weyn.
Dhanka kale, Barcelona waxay u diri doontaa goolhayahooda Marc-Andre ter Stegen kooxda Manchester United. Goolhayaha Jarmalka ayaa walaac ku abuuray maamulka Barca sababo la xiriira dhaawacyo soo noqnoqday, waxaana kor u kacaya shakiga laga qabo inuu mar kale gaari karo heerkiisii ugu fiicnaa.
Labada kooxood ayaa la sheegay inay rajo weyn ka qabaan in heshiiska la dhameystiro goor dhow.
Xilli ciyaareedkii 2024/25, Rashford wuxuu ciyaaray 41 kulan isagoo dhaliyay 11 gool isla markaana caawiyay 9 kale. Ter Stegen ayaa ka qeyb galay 9 kulan, waxaana laga dhaliyay 11 gool isagoo hal mar kaliya shabaqiisa ilaashaday.