Kooxda Manchester City ayaa si weyn horumar uga sameyneysa wadahadallada ay kula jirto Rayan Cherki, waxaana la sheegay in heshiiska shakhsi ahaaneed uu qarka u saaran yahay in la dhameystiro, sida uu weriyey Florian Plettenberg.
Caqabadda ugu weyn ee wali taagan ayaa ah heshiiska lacagta kala iibsiga ee u dhaxeeya City iyo kooxda Lyon. Qiimaha la filayo ayaa u dhaxeeya €35 milyan ilaa €40 milyan. Si kastaba ha ahaatee, labada kooxoodba waxay rajo wanaagsan ka qabaan in heshiis laga gaaro arrintaas dhawaan.
Cherki haatan wuxuu diiradda saarayaa in uu helo fursad uu ugu ciyaaro xulka qaranka Faransiiska, laakiin lama filayo in arrinta kala iibsigiisa ay noqoto mid jiitanta muddo dheer. Manchester City ayaa si degdeg ah u doonaysa iney u dhammeystirto heshiiska laacibka.