Manchester City Oo Saxiixeedii Ugu Horreeyey Ku Dhawaaqaysa, Lacagta Ay Ku Iibsatay Kooxdiisa

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa u dhow inay ku dhawaaqdo heshiiskeedii ugu horreeyey ee ay kula soo wareegayso ciyaartoyga koowaad ee ay safkeeda kusoo kordhinayso bisha January.

Manchester City ayaa ayaa dhamaystiraysa qandaraas ay  ka saxeexayso goolhayaha 23 jirka ah ee lagu magacaabo Zack Steffen oo ka tirsan kooxda Columbus Crew ee horyaalka kubadda cagta dalka Maraykanka, taas oo ay kasoo qaadanayso 7 milyan oo Gini.

Steffen oo todoba kulan oo kaliya u ciyaaray xulka qaranka Maraykanka, ayaa waxa bandhiggiisa ku qancay waaxda suuqa u xilsaaran Man City, kuwaas oo ka dhaadhiciyey maamulkooda in bilowga bisha January lagu dhawaaqo heshiiska inta ka horreysana lasii kala saxeexdo.

Ma cadda in Steffen uu markiiba kasoo degi doono magaalada Manchester oo uu ku biiri doono City iyo inuu amaah ugu ciyaari doono kooxo kale, hase yeeshee waxa la ogyahay in Guardiola uu haysto Ederson oo lama taabtaan u ah.

Si kastaba ha ahaatee marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoygu bisha January ayaa la ogaan doonaa in Steffen uu si ramsi ah uga mid noqdo Citizens iyo in amaah lagu diro.