Man United Oo Sabab La Xiriirta Xurgufta Jose Mourinho & Paul Pogba Ku Weyn Karta Saxiixa Da’yarka Reer Holland Matthijs de Ligt.

Manchester United ayaa dhibaato dhanka suuqa kala iibsiga ah dhexda ka gashay, waxeyna ka walaacsan tahay sidii ay ku heli laheyd da’yarka rer Holland Matthijs de Ligt, sababta ay uga walwalsan tahay waxaa ka masuul ah Paul Pogba.

19-jirkaan waxaa lagu sheegaa inuu yahay “VVD-ka Cusub” ee Holland maadaam uu tayadiisa kusoo bandhigay kooxdiisa Ajax, sida uu warinayo wargeyska Manchester Evening News xiddigaan inuu soo gaaro Old Trafford shaki badan ayaa la galinayaa.

Matthijs de Ligt waxaa wakiil u ah “Mino Riola” kaas oo ah mid uusan xiriir wacan hadda kala dhaxeynin Jose Mourinho, weyna adag tahay inuu u ogolaado Matthijs de Ligt imaatinka Red Devils, waxaana lagu tiriyaa mid ka mid ah da’yarta soo koreysa ee daafaca kuwooda ugu fiican.

Paul Pogba ayey isku dhaceen Jose Mourinho, waxeyna arrintaas noqotay mid ka mid ah dhibaatooyinka la dagay Manchester United fasal ciyaareedkaan maadaama ay aad uga fogtahay hogaanka horyaalka.

Bishii lasoo dhaafay ayey aheyd markii labadaan shaqsi uu dagaal baahintiisa loogu talgalay ku dhexmaray xerada tababarka, wax walbana waxaa sii kiciyay Pogba oo baraha bulshada ku dalbaday iney kooxda u baahan tahay hanaan weerar.

Matthijs de Ligt hadda waxaa lala xiriirinayaa Manchester City iyo Barcelona, sababta ah inuu Mino Riola u yahay wakiil ayaana ka fogeyneysa Manchester United sida lagu warramay.

1 Aragti ayaa laga dhiibtay warbixintaan

Comments are closed.