Sida uu sheegay suxufiga caanka ah Florian Plettenberg oo ka tirsan Sky Germany, kooxda Manchester United ayaa si rasmi ah ugu biirtay tartanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka Eintracht Frankfurt, Hugo Ekitike.
Warbixinta ayaa sheegaysa in United ay la xiriirtay wakiilada xiddiga reer France 48-kii saac ee la soo dhaafay.
Dhanka kale, kooxaha Liverpool iyo Chelsea ayaa wali muujinaya xiisahooda ku aaddan 22-jirkan, inkasta oo aysan wali gudbin wax dalab rasmi ah.
Eintracht Frankfurt ayaa la rumeysan yahay inay ku qiimeyneyso Ekitike €100 milyan kaddib xilli ciyaareed uu si cajiib ah u dhaliyay 22 gool dhammaan tartamada uu ka qeyb galay.