Man United Oo Heshay Badalka Mourinho, Suarez Oo Ka Tagaya Camp Nou & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda.

Maalin wanaagsan dhamaan akhristayaasheena sharafta leh meel walba oo aad dunida ka joogtaan, ku soo dhawaada wararkii ugu danbeeyay suuqa kala iibsiga ee aan ka soo uruurinay wargeysyada Yurub ka soo baxa saaka oo Jimco ah.

Suuqa kala iibsiga ayaa furmaya bisha Janaayo iyadoo kooxaha Yurub la filayo inay soo iibsadaan xiddigo ay isku sii xoojiyaan inta ka harsan xilli ciyaareedka, halka kooxaha qaar ay isha ku hayaan xiddigo ay doonayaan xagaaga danbe, waxaana maalin walba idiin soo gudbin doonaa wararkii ugu danbeeyay ee suuqa.

Xaquuqda wararka ugu danbeeyay suuqa kala iibsiga waxaa iska leh warbaahinta ku hor qoran.

Man United ayaa diyaarineysa iney ku bixiso lacag dhan 40 Malyan oo Pound soo helitaanka tababaraha Tottenham Hotspur Mauricio Pochettino. (The Sun)

Goolhayaha reer Mareykan Zack Steffen oo 23-jir ah ayaa laga yaabaa inuu adduun dhan 6 Malyan oo Pound ugu soo wareego Manchester City bisha January, balse amaah ayaa lagu siin doonaa kooxda Girona. (Goal)

Daafaca midig ee Manchester United Antonio Valencia oo 33-jir ah ayaa ka mid noqday liiska ay xagaaga soo aadan suuqa ka dooneyso West Ham United. (The Sun)

Xiddiga Barcelona Denis Suarez oo 24-jir ah ayaa doonaya inuu isaga dhaqaaqo Camp Nou hadii aysan kooxda u balan qaadi karin boos joogto ah, Chelsea & Ac Milan ayaana xiiseynaya saxiixiisa. (Calciomercato)

Tababare Frank Lampard ayaa xaqiijiyay in Liverpool ay dib ugu yeertan karto 21-jirka reer Wales Harry Wilson bisha January hadii ay doonayaan. (Talsport)

Frenkie de Jong oo 21-jir ah isla markaana bartilmaameed u ah kooxo badan oo yurub ah ayaa diiday inuu meesha ka saaro ka bixitaankiisa Ajax xagaaga soo aadan. (MEN)

Daafaca bidix ee Juventus Alex Sandro oo lagu waday inuu January ka baxayo Turin ayaa qarka u saaran inuu heshiis cusub u kordhiyo kooxdiisa. (Goal)

1 Aragti ayaa laga dhiibtay warbixintaan

Comments are closed.