Man United Oo Guul Soo Laabasho Layaableh Ka Soo Gaadhay Juventus, Dabaal Degii Waalida Ahaa Ee Ronaldo Oo Dabka Loo Bakhtiiyay Iyo Red Devils Daqiiqado Kooban Wax Ku Badashay.

Manchester United ayaa guul soo laabasho aan la rumaysan karin oo cajiib ah ka soo gaadhay Juventus oo ilaa daqiiqadii 86 aad intii la soo gaadhayay hogaanka ciyaarta ku haysay gool uu Ronaldo u dhaliyay laakiin Juan Mata oo badal ciyaarta ku soo galay ayaa dhiiro galiye u noqtay United isaga oo goolka barbaraha Red Devils u keenay.

Balse markale iyada oo an Juventus madaxa sare u qaadin waxaa goolka labaad sabab u noqday Pogba oo kubbad laaga xorta ah soo tuuray iyo Felleini oo awood jidh ahanaeed ku riixay Sandro kaas oo kooxdiisa Juventus guuldaradan u keenay.

Manchester United ayaa u muuqatay in ay guuldaro kala ka soo gaadhayso Juventus oo hore Old Trafford ugu soo garaacday laakiin dabaal degii iyo farxadii Ronaldo waxaa ka danbeeyay damaashaadkii Mourinho iyo kooxdiisa Red Devils.

SHIXIHII JUVENTUS VS MAN UNITED:

Juventus XI (4-3-2-1): Wojciech Szczesny; Mattia De Sciglio, Leonardo Bonucci, Giorgio Chiellini, Alex Sandro; Rodrigo Bentancur, Miralem Pjanic, Sami Khedira; Juan Cuadrado, Paulo Dybala; Cristiano Ronaldo.

Kaydka:  Mattia Perin, Mario Mandzukic, Daniele Rugani, Mehdi Benatia, Blaise Matuidi, Joao Cancelo, Andrea Barzagli.

Man United XI (4-3-3): David De Gea; Ashley Young, Chris Smalling, Victor Lindelof, Luke Shaw; Ander Herrera, Nemanja Matic, Paul Pogba; Jesse Lingard, Alexis Sanchez, Anthony Martial.

Kaydka:  Sergio Romero, Fred, Juan Mata, Marcus Rashford, Eric Bailly, Maroaune Fellaini, Matteo Darmian.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ahayd mid aad u adag balse ay labada kooxood ku kala awood badnaayeen dhinaca weerarka iyo difaaca, waxayna ahayd Juventus kooxda fursadaha ugu badan abuurtay isla markaana shaqada ugu badan ee weerarka ah qabtay laakiin difaaca Man United ayaa si adag isakga celiyay fursad abuuristii United.

Goolhaye David De Gea ayaa dhawr jeer sameeyay badbaadino fiican wuxuuna United ka ilaaliyay halis badan oo ay Juventus goolal ku dhalin kartay laakiin Man United ayaa u muuqatay koox qorshaheedu ahaa in ay barbaro ciyaarta ugu dhamaysato taas oo uu Mourinho u arkayay natiijo fiican.

Daqiiqadii 34 aad Cuadrado ayaa De Gea ku qasbay in uu joojiyo kubbad joog hoose ku socotay oo waliba jilibka Matic ku sii dhacday wuxuuna De Gea markan awooday in ayna kubbadu dhaafin.

Daqiiqadii 35 aad BIRTA GOOLKA! Juventus ayaa heshay fursadii ugu halista badnayd qaybtii hore ee ciyaarta kadib markii uu Ronaldo kubbad fiican u bixiyay  Khedira kaas oo sidii ay ahayd kubbada ugu leexiyay goolka United balse De Gea oo daawanaya ayay kubbadu birta halka ay dhulka kaga taal kaga dhacday.

Si walba oo ay Juventus iskugu dayday in ay hesho goolal waxay dhaafi kari wayday Manchester United oo shaqadeeda ugu xoogan galisay in ay wadar ahaan u difaacato waxaana qaybtii hore lagu kala nastay barbaro gool la’aan ah.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta ayay Juventus soo laabtay iyada oo wali ahayd kooxda goolka furitaanka raadinaysay balse sidoo kale Man United ayaa sare u soo qaaday qaab ciyaareedka kooxdeeda iyada oo marka bilawday in ay fursado ku raadiso goolka Juve.

Daqiiqadii 65 aad Cristiano Ronaldo ayaa qaab cajiib ah ku dhamaystay goolka furitaanka ee kooxdiisa Juventus kadib markii uu kubbad min qiyaas layaableh ku socotay uu meel fo ka soo tuuray Bonucci wuxuuna Ronaldo kubbada oo aan ku dhulka ku dhicin uu sideeda ku sii raaciyay darbada uu De Gea kaga yaabsaday wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1-0 ay Juventus hogaanka kula wareegtay.

Cristiano Ronaldo ayaan wax ixtiraam ah u muujin kooxdiisii hore ee Real Madrid sidii uu sameeyay markii uu Real Madrid ka tirsanaa wuxuuna si waali ah ugu dabaal degay goolkiisa kaas oo ahaa goolkii ugu horeeyay ee uu Juventus uga dhaliyay UEFA Champions League.

Daqiiqadii 75 aad Juventus ayaa ugu dhawaatay in ay keensato goolkeeda labaad kadib markii uu Ronaldo kubbada kaga soo shaqeeyay isla markaana uu  Cuadrado helo fursad gool dhalin cadaan ah laakiin De Gea ayaa markan badbaadin wayn sameeyay.

Daqiiqadii 79 aad Mourinho ayaa laba isbadal shaxdiisa ku sameeyay wuxuuna ciyaarta soo galiyay Mata Fellaini wuxuuna saaray Ander Herrera iyo Alexis Sanchez.

Daqiiqadii 86 aad Juan Mata ayaa kooxdiisa Man United ciyaarta ku soo celiyay kadib markii uu si cajiib ah uga faa’iideeyay kubbada laaga xorta ah oo lagu abaal mariyay United kadib markii uu Matuidi qalad ku galay Pogba, wuxuuna Mata si qurux badan u garaacay goolhaye  Szczesny waxayna ciyaartu noqotay barbaro 1-1 ah.

WAALI!! Daqiiqadii 89 aad Man United ayaa si layaableh dhinaca kale ugu dhigtay natiijadii ciyaarta waqti kooban ka hor hogaanka looga hayay waxaana kubbad kale oo laaga xorta ah oo United loo dhigay awood u isticmaalay Fellaini kaas oo Alex Sandro ku qasbay in uu shabaqa kooxdiisa kubbada gaadhsiiyo inkasta oo markii hore la moodayay in uu Pogba dhaliyay waxayna si aan la rumaysan karin ciyaartu u noqotay 2-1 ay United gacanta sare ku yeelatay waqtigii dhimashada.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-1 ay Man United si layaableh guul uga soo gaadhay Juventus oo si buuxda isku siisay in ay guulaysatay balse United ayaa waqti aad u yar ku awooday in ay ku qabto wixii ay kulanka oo dhan ku soo qaban kari wayday waxayna aamusiisay Ronaldo iyo dabaal degisii waalida ahaa.