Manchester United ayaa la filayaa inay soo gudbiso dalab dib loo habeeyay oo ku wajahan weeraryahanka Brentford Bryan Mbeumo, kaddib markii laga diiday dalabkoodii hore ee gaarayay ilaa £55 milyan.
Sida uu sheegay Ben Jacobs, dalabkaas wuxuu ka koobnaa £45m lacag toos ah iyo £10m oo ah gunnooyin ku xiran waxqabadkiisa – balse Brentford ayaa dalabkaas ku gacan sayrtay, iyagoo xiddigooda ku qiimeeyay ugu yaraan £60 milyan.
Jacobs ayaa intaas ku daray in Manchester United ay haatan diyaarinayso dalab cusub, iyadoo la fahamsan yahay in tababare Ruben Amorim uu doonayo inuu dhiso weerar cusub kaddib markii uu horey u la saxiixday Matheus Cunha.
Haddii la dhammeeystiro heshiiskan, Mbeumo wuxuu noqon doonaa lafdhabarta weerarka cusub ee United.