Man United & Arsenal Oo Kulan Cajiib Ahaa Barbaro Ku Galay Old Trafford, Liverpool Oo Guul Soo Laabasho Layaableh Ah Ka Soo Gaadhay Burnley Iyo Wolves Oo Ka Yaabsatay Chelea

KULANKA BURNLEY VS LIVERPOOL

Liverpool ayaa ka soo kabsatay gool ay Burnley kaga hormartay iyada oo 3-1 ku dubatay kadib markii ay qaybtii labaad ee ciyaarta la timid bandhig fiican oo ay ku badashay xaalad xun oo ay qaybtii hore soo martay.

Liverpool ayaa sii joogtaysay rekoodhka guuldaro la’aanta premier League iyada oo 15 kulan gaadhsiisay waxayna sidoo kale cadaadiska sii saartay Man City oo ay 2 dhibcood markale u soo jirsatay. Firmino, Milner iyo Shaqiri ayaa guushan Liverpool ku soo hogaamiyay.LIVERPOOL XI (4-3-3): Alisson; Joseph Gomez, Joel Matip, Virgil van Dijk (c), Alberto Moreno; James Milner, Jordan Henderson, Naby Keita; Xherdan Shaqiri, Daniel Sturridge, Divock Origi.

Kaydka: Simon Mignolet, Adam Lallana, Roberto Firmino, Mohamed Salah, Rafael Camacho, Trent Alexander-Arnold, Fabinho.

BURNLEY XI (4-4-2): Joe Hart; Phil Bardsley, James Tarkowski, Ben Mee (c), Charlie Taylor; Johann Gudmundsson, Ashley Westwood, Jack Cork, Robbie Brady; Ashley Barnes, Chris Wood.

Kaydka: Tom Heaton, Sam Vokes, Matej Vydra, Aaron Lennon, Jeff Hendrick, Kevin Long, Matthew Lowton.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa Liverpool ahayd mid aad ugu adag iyada oo kooxda Burnley ay ahayd kooxda jidh ahaan awooda badan garoonka ku lahayd waxayna kooxda uu Klopp soo xushay u muuqdeen kuwo aan wax badan isku fahmayn difaac ahaan iyo weerar ahaanba.

Liverpool ayaan qaybtii hore soo bandhigin qaab ciyaareed fiican iyada oo Burnley si buuxda u aamusiisay weerarka Reds oo aan xataa helin fursado badan halis galin kara Burnley oo si xoogan ugu dagaalamaysay in ay dhibco hesho.

Daqiiqadii 23 aad Klopp iyo jamaahiirta Liverpool ayay cabsi wayni soo gashay kadib markii ay arkeen difaaca qaab ciyaareedka cajiibka ah soo bandhigay xili ciyaareedkan ee Joe Gomez oo garoonka laga dhex qaaday waxaana kaydka looga yeedhay Alexander-Arnold maadama oo Gomez uu difaaca midig kulankan ka ciyaarayay.

Si kastaba ha ahaatee, Liverpool iyo Burnley ayaa qaybtii hore awoodi waayay in ay wax goolal ah kala dhaliyaan waxayna Sturridge iyo Origi oo fursad la siiyay waqtigii nasashada ay baxeen iyaga oo aan wax goolal ah dhalin.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad Burnley ayaa aamintay in Liverpool ay ka jiifto oo ay weerar buuxa gali karto taas oo ay ku baadi goobaysay goolka furitaanka halka Liverpool ay wali ahayd koox aan si fiican isku haysan.

Daqiiqadii 54 aad Burnley ayaa Liverpool kaga naxsatay goolka furitaanka inkasta oo ciyaartoyda Liverpool ay ku doodeen in uu ahaa gool aan sharci ahayn maadaama oo Wood  uu kubbada ka saaray gacmaha Alisson laakiin Cork ayaa kubbad laysku celceliyay ku dhaliyay goolkan iyada oo garsoorku ayna waxba ka badalin waxayna ciyaartu noqotay 1-0 ay Burnlehy hogaanka ku qabtay.

Daqiiqadii 62 aad Liverpool ayaa la timid goolkeeda barbaraha kadib markii uu James Milner caawin ka helay Origi kubbad si fiican ay uga soo shaqeeyeen Shaqiri, Moreno iyo Keita waxayna ciyaartu noqotay barbaro 1-1 ah.

Daqiiqadii 66 aad Klopp ayaa ciyaarta soo galiyay Roberto Firmino iyo Mohamed Salah wuxuuna saaray Alberto Moreno iyo Origi waxayna markiiba Liverpool bilawday raadinta goolka labaad.

Daqiiqadii 69 aad Alla Maxay Saamayn Ahayd! Roberto Firmino ayaa markiiba saamayn fiican yeeshay isaga oo kubbad caawin uu ka helay Van Dijk kooxdiisa Liverpool ugu keenay goolka labaad ee ay dhinaca kale ugu dhigtay natiijadii ciyaarta ee ay Burnley goolka kaga hormartay waxayna ciyaartu noqotay 2-1 ay Reds hogaanka kula wareegtay.

Daqiiqadii 90+1 aad Liverpool ayaa ciyaarta ku dishay goolkeeda saddexaad waxaana goolkan ciyaarta ku soo xidhay Xherdan Shaqiri oo si wayn ugu qalmay goolkan kadib markii uu bandhig kale oo cajiib ah uu sameeyay iyada oo Mohamed Salah uu lahaa caawinta goolkan waxayna ciyaartu noqotay 3-1 ay Reds si buuxda iskugu hubsaday saddexda dhibcood.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3-1 ay Liverpool guul soo laabasho cajiib ah kaga soo gaadhay Burnley oo gool kaga hormartay waxayna Reds awooday in ay markale laba dhibcood ku soo koobtay farqigii dhibcaha ee ay Man City u jirtay iyada oo 15 kulan oo xidhiidh ah aan guuldaraysan.

Bogga 3-aad Ka Akhriso Kulanka Man United iyo Arsenal.

1 Aragti ayaa laga dhiibtay warbixintaan

  1. Wxaa bunbunisaan le shegtaan arsenal old traford fA cup welbeck ayaa ugu dambeyay ayku badisay arsenal wenger ayaana joogay premiery league le mxaa uso qadaneysaan fA cup kii ayaa ka dambeyay

Comments are closed.