Madaxweynaha Ugu Da’da Yar Taariikhda Kubadda Cagta Steven Zhang Oo Ku Farxay Ficilkii Uu Jose Mourinho Sameeyay Kadib Kulankii Ay United Garaacday Juve

Tababaraha Man United Jose Mourinho ayaa sii saadaaliyay dareenka ay jamaahiirta Inter Milan ka bixin doonaan muuqaalkii laga qabtay kadib dhamaadkii ciyaartii ay wiilashiisa 2-1 kaga badiyeen Juventus, waxaana durba u riyaaqay madaxweynaha da’da yar ee kooxda Steven Zhang.

Macalinkaan reer Portugal ayaa sadexley koobab ah u qaaday Inter Milan sanadkii 2010, waana rikoor u gaar ah kooxdaan ka dhisan magaalada Milan, sidaas darteed wuxuu xalay qabsaday dhagaha si uu jamaahiirta Bianconerri uga careysiiyo maadaama ay aflagaadooyin u geysanayeen siduu sheegay tan iyo bilowga kulanka.

Red Devils waxey xalay gaareen guushii labaad ee fasalkaan kulamada Champions League markii ay 1-2 kaga badiyeen Juventus oo xalay dhadhamisay guuldaradii ugu horreysay dhamaan tartamada oo dhan fasal ciyaareedkaan.

Jose Mourinho oo saxaafadda Ingiriiska ah la hadlay ayaa sheegay in ficilka uu sameeyay ay ku farxi doonaan jamaahiirta Inter Milan.

Akoon ku magaceysan FCInter1908.it oo laga leeyahay Instagram-ka ayaa soo dhigay sawirka Jose Mourinho uu dhagta heysto waxaana (Like) saaray madaxweynaha da’da yar ee kooxda Inter Milan Steven Zhang.

Wiilkaan waa 26-jir, wuxuuna wakiil u yahay shirkadda leh milkiyadda Inter Milan.