Qad-dhexaadka Liverpool, Alexis Mac Allister, ayaa shaaca ka qaaday in uu haatan ku sugan yahay xilligii ugu fiicnaa ee xirfaddiisa, taas oo uu ku sababeeyay taageerada iyo tayada saaxiibadiisa kooxda ee Anfield.
Ciyaaryahanka reer Argentina ayaa door muhiim ah ka qaatay kooxdii uu Arne Slot hogaaminayay ee Liverpool, kuwaasoo ku guuleystay horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii 2024–25, iyagoo afar kulan ka hor hantay koobka. Mac Allister ayaa ka soo muuqday 35 kulan oo horyaalka ah xilli ciyaareedkiisii labaad ee kooxda, isagoo dhaliyay 5 gool caawiyayna 5 kale.
“Si daacad ah, aad ayaan ugu faraxsanahay xilli ciyaareedkan. Waxaan dhihi karaa haa, waxaan ku suganahay waqtigii ugu fiicnaa ee xirfaddayda. Aad baan ugu raaxaystaa.”
“Guud ahaan, waxay ila tahay sababta ugu weyn inay tahay inaan joogo koox weyn sida Liverpool oo kale, taasoo i siisay fursad aan ku muujiyo waxa aan awoodo. Taas ayaana u arkaa waxyaabaha ugu muhiimsan.”
“Laakiin sidoo kale waxaa i garab taagan saaxiibadayda. La’aantooda, ma noqon leheen cidna maxaa yeelay anigu ma ihi ciyaaryahan gaar ah. Ma ihi mid kubbadda ka daba ordi kara 3 ama 4 ciyaaryahan oo dhalin kara 20 gool xilli ciyaareedkiiba.”
“Waxaan si weyn ugu tiirsanahay saaxiibadayda, waxaana kooxdaan ka helay ciyaartooy iga caawiyay dhanka weerarka iyo difaacaba. Aad baan ugu mahadcelinayaa,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Alexis.