Mac Allister Oo Magacaabay Xiddiga Uu Ugu Jecel Yahay In Liverpool Ay Lasoo Saxiixato

Mac Allister ayaa si gaar ah u xusay daafaca Tottenham ee Romero inuu yahay ciyaaryahanka uu ugu jecel yahay xulka Argentina ee uu jeclaan lahaa inuu ku arko kooxda Liverpool.

Liverpool ayaa durba si xooggan u gashay suuqa kala iibsiga xagaagan, iyadoo dooneysa in ay difaacato horyaalka Premier League ee ay ku guuleysteen xilli ciyaareedkii ugu horreeyay ee uu Arne Slot hoggaanka u qabtay kooxda.

Kaddib markii ay waayeen Trent Alexander-Arnold oo ku biiray Real Madrid, Liverpool ayaa dhaqso u dhamaystirtay saxiixa Jeremie Frimpong, 24 jir, oo kaga yimid Bayer Leverkusen, iyagoo ku bixiyay £29.5 milyan.

Reds ayaa sidoo kale la saxiixatay goolhayaha 20-jirka ah ee Armin Pecsi oo ka yimid kooxda Puskas Akademia ee dalka Hungary, si uu u noqdo kaydka Alisson.

Inkasta oo tababare Slot iyo agaasimaha isboortiga ee Liverpool, Richard Hughes, ay sheegeen in ay ku qanacsan yihiin xulashadooda daafaca dhexe, hadalladii Mac Allister ee uu jeediyay intii uu ku maqnaa waajibaadka xulka ayaa dhaliyay hadal heyn badan.

Markii la weydiiyay ciyaaryahanka uu xulka Argentina ugu jeclaan lahaa inuu la ciyaaro Liverpool, Mac Allister ayaa si degdeg ah u sheegay: “Oh, Cuti [Romero].

“Waa ciyaaryahan aan aad u jeclahay.

“Sida uu u hadlo iyo sida uu u ciyaaro, mararka qaar waxaad dareemeysaa inuu aad u sarreeyo, maxaa yeelay wuu fududeeyaa wax walba.”

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football