Maamulka La Liga Oo Real Madrid Kaga Guulaystay Kiis Maxkamadeed Iyo Los Blancos Oo Lagu Qasbayo In Ay Xataa Bixiso Lacagtii Kiiskan Ku Baxday.

Maamulka horyaalka La Liga iyo kooxda Real Madrid ayuu ka soo dhexeeyay khilaaf kaas oo gaadhay in ay maxkamad isla galaan laakiin maxkada magaalada Madrid ayaa kiiskan go’aan ka gaadhay waxayna u xukuntahay maamulka horyaalka La Liga iyada oo Madrid lagu qasbayo in ay u hogaansanto arintii laysku haystay isla markaana ay bixiso lacagtii kiiskan ku soo baxday.

Real Madrid ayaa si ka duwan kooxaha kale ee La Liga waxay hore go’aan ugu gaadhay in ay lambarada ciyaartoyda kooxdeeda ay ka dhigto kuwo ayna ansixin maamulka La Liga taas oo muran xoogan ka dhex abuurtay maamulka La Liga iyo Real Madrid.

Kooxaha oo dhan ayaa loo ogol yahay in ay lambarada kooxahooda sida ay doonaan u nashqadaysan karaan tartamada  Champions League, Club World Cup, European Super Cup iyo Copa del Rey laakiin waxaa koox kasta waajib ku ah in farta lambaraada horyaalka La liga ay ansixiyaan maamulka La Liga iyada oo nooc gaar ah oo isku mid ah loo qorsheeyay.

Maxkamada Madrid qaybteeda number 58 ayaa go’aan ka soo saartay in maamulka La liga uu Real Madrid kaga guulaystay kiiskii maxkamadeed ee la xidhiidhay farta qoraalka lambarada ciyaartoyda Real Madrid ee kulamada La Liga.

Waxaana Real Madrid lagu xukumay bixinta kharash kasta oo maxkamada kaga baxay maamulka La Liga iyada oo waliba Real Madrid lagu qasbayo in u hogaansanto farta lambarada maamulka Horyaalka La liga u cayimay kooxaha La Liga.

Real Madrid ayay sidoo kale qasab ku noqon doontaa in ay dib u daabacdo maaliyada kooxdeeda horyaalka La Liga si ay lambarada uga badasho taas oo isku dar kharash badan isla noqon doonta.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa la filayaa in ugu danbayn uu soo dhamaan doono khilaafkii sharci ee u dhexeeyay maamulka La Liga iyo kooxda Real Madrid ee farta lagu qorayo garmaanta kooxda kowaad ee Real Madrid ee kulamada La Liga.