MAAD: Da’yarka Arsenal Ee Matteo Guendouzi Oo Ku Maadsaday Marouane Fellaini Oo Timaha Jiiday Kulankii Old Trafford & Hadaladii Uu Saxaafada U Mariyay.

Da’yarka khadka dhexe ee kooxda Arsenal ee Matteo Guendouzi ayaa ku maadsaday dhigiisa Manchester United ee Marouane Fellaini kaas oo qalad yaab badan ku galay da’yarkan dhammaadkii ciyaartii dhex martay labada kooxood habeenkii Arbacada.

Qaladka ayaa ka dhacay meel uu aad ugu dhawaa garsoorihii kulankaas ee Andre Marriner inkastoo waxa kaliya ee la dhiagy uu ahaa qalad aan ganaax culus lahayn isla markaana ay u badan tahay in Fellaini uu ka badbaado ganaax kale oo kaga yimaada dhinaca FA-ga.

Haddaba, Guendouzi oo ku maadsanaya Maroaune kulanka kaddib ayaa sheegay inay suurogal tahay inuu ka masayrsan yahay tintiisa oo gaaban haatan isla markaana ay tahay inuu aqbalo midaas.

Xiddigii hore ee Lorent ayaa yidhi isagoo u warramaya RMC Sport “Waxaan filayaa in wax yar oo hinaase ahi uu ka jiro halkaas, Waxa suurogal ah inuusan aqbali karin xaqiiqada ahi inuu doortay ku laabashada timaha gaaba”

Fellaini ayaa la filayaa inuusan la kulmin wax ganaax ah balse waxa xusid mudan in fikradaas uu kasoo hor jeedo daafacii hore ee Leicescter City ee Roberth Huth.

Huth ayaa dhacdo midan lamid ah kula kacay Fellaini sanadkii 2016 kulan Premier League ah waxaana uu mutaystay ganaax saddex kulan ah kaddib inuu jiiday timihii waaweynaa ee uu 29 jirkani caanka ku ahaa.