Tababaraha kooxda Barcelona, Hansi Flick, ayaa muujiyay qadarin gaar ah oo uu u hayo shaqaalaha farsamada ee kooxda kadib markii uu la wadaagay gunnadii uu ku helay hanashada horyaalka La Liga.
Wararka ayaa sheegaya in qandaraaska Flick uu xambaarsanaa qodob ogolaanaya inuu helo gunno gaar ah haddii uu horyaalka ku guuleysto, waxaana kadib guushii La Liga uu go’aansaday inuu lacagtaas qayb ka mid ah si siman ugu qaybiyo shaqaalihiisa.
Mid kasta oo ka mid ah shaqaalaha tababarka ayaa la siiyay ku dhawaad €10,000, taasoo ah tallaabo deeqsinimo leh oo muujinaysa sida Flick uu u qadariyo doorka muhiimka ah ee shaqaaluhu ka ciyaaraan guusha kooxda.
Go’aankan naxariista ku dheehan ee tababaraha reer Jarmal ayaa mar kale caddeeyay sida uu u ixtiraamo shaqadiisa iyo inuu yahay shaqsi u heellan dhismaha koox wada shaqeyn xooggan ku saleysan.
Flick waxaa lagu yaqaannaa inuu si qoto dheer u ixtiraamo ciyaartooydiisa iyo shaqaalihiisa, isagoo xidhiidh wanaagsan oo ku dhisan kalsooni iyo qadarin la leh dhammaan xubnaha kooxda.
Tani waxay sii xoojisay sumcadda Flick oo ah tababare guulo waaweyn helay isagoon hilmaamin doorka dadkii garab istaagay. Xitaa heshiiskiisii ugu dambeeyay ee uu Barcelona la gaaray, wuxuu ku daray horumarin lagu sameeyay qandaraasyada la-taliyayaashiisa ugu dhow.
Flick wuxuu si cad u muujiyay in guusha aysan ahayn mid shaqsiyeed, balse ay tahay dadaal kooxeed oo ay dad badan ka qeyb qaataan.