Ciyaaryahankii hore ee Tottenham Hotspur, Ahmed ‘Mido’ Hossam, ayaa shaaca ka qaaday in dhibka ugu weyn ee Cristiano Ronaldo haysta uu yahay in uu baabi’iyo shakhsiyadda tababaraha uu la shaqeynayo.
Mido ayaa sheegay in aysan jirin tababare sare oo doonaya inuu la shaqeeyo kabtanka Al-Nassr, isagoo xusay in Ronaldo uu ka duwan yahay ciyaartoyda sida Karim Benzema, oo tixgelin siiya tababarayaasha.
“Dhibka Ronaldo waa in uu baabi’iyo shakhsiyadda tababare kasta oo uu la shaqeeyo, taas oo aan la mid ahayn ciyaartoyda kale sida Benzema,” ayuu Mido ku yiri wareysi uu siiyay Kooora.
“Benzema waa ciyaaryahan heer sare ah, laakiin wuu ixtiraamaa tababaraha, wuxuuna ogyahay doorkiisa. Waxaa caqabad weyn ah in tababarayaasha aysan dooneyn la shaqeynta Ronaldo.”
Ronaldo ayaa horey khilaaf ba’an la yeeshay tababarihii Manchester United, Erik ten Hag, kaddib markii uu si cad ugu weeraray saxaafadda.
Xiddigan shanta jeer ku guuleystay Ballon d’Or ayaa haatan lala xiriirinayaa inuu ka tagayo horyaalka Sacuudiga, isagoo sheegay in “waayihiisii Pro League uu dhammaaday.”