Lukaku Oo Ka Tagaya Man United, PSG Oo Iibineysa Mbappe ama Neymar & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda.

Maalin wanaagsan dhamaan akhristayaasheena sharafta leh meel walba oo aad dunida ka joogtaan, ku soo dhawaada wararkii ugu danbeeyay suuqa kala iibsiga ee aan ka soo uruurinay wargeysyada Yurub ka soo baxa saaka oo Jimco ah.

Suuqa kala iibsiga ayaa furmaya bisha Janaayo iyadoo kooxaha Yurub la filayo inay soo iibsadaan xiddigo ay isku sii xoojiyaan inta ka harsan xilli ciyaareedka, halka kooxaha qaar ay isha ku hayaan xiddigo ay doonayaan xagaaga danbe, waxaana maalin walba idiin soo gudbin doonaa wararkii ugu danbeeyay ee suuqa.

Xaquuqda wararka ugu danbeeyay suuqa kala iibsiga waxaa iska leh warbaahinta ku hor qoran.

Weeraryahanka reer Belgium Romelu Lukaku oo 25-jir ah ayaa ka fakaraya mustaqbalkiisa Old Trafford kadib markuu ku wareeray inuu ku najaxo shaxda Jose Mourinho. (The Sun)

Jose Mourinho ayaa ka dhawaajiyay in Manchester United aysan wax fursad ah u heli doonin ku guuleysiga Premier League hadii Man City iyo Liverpool ay joogteeyaan qarash gareynta lacagaha badan. (Mirror)

Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa meesha ka saaray inuu u dhaqaaqayo xiddiga reer Belgium Eden Hazard kaasoo 27-jir ah. (Standard)

Paris Saint Germain ayaa diyaar u ah iney iibiso midkood 26-jirka reer Brazil Neymar Junior iyo 19-jirka reer France Kylian Mbappe si ay uga badbaado xeerka dhaqaale wanaagga qaaradda yurub. (L’Equipe)

Sidaas oo ay tahay kooxda Paris Saint Germain waxey beenisay wararka ay faafisay L’Equipe, waxeyna ku eedeysay wargeyska inuu dhibaato ku yahay kooxda. (PSG – In French)

Xiddiga Ajax Amsterdam Frenkie de Jong oo 21-jir ah ayaa doonaya inuu ku biiro Paris Saint Germain, kooxda reer France ayaana diyaarineysa 75 Malyan oo ay xiddigaan kula soo wareegto xagaaga soo aadan. (De Telegraaf)

Xiddiga ay bartilmaameedka ka dhigteen Man United iyo Chelsea ee Alex Sandro ayaa lagu soo warramayaa inuu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa Juventus, 27-jirkaan waxaa laga yaabaa inuu sii joogo Turin ilaa 2023. (The Sun)

Tababare Unai Emery ayaa go’aansaday inuusan wax ciqaab ah duldhigin afar ciyaartoy oo laga soo bandhigay muuqaal ay maandooriye ku isticmaalayaan, sababtoo ah dhacdada waxey aheyd xilli ciyaareedka ka hor. (The Sun)