Kabtanka Real Madrid, Luka Modric, ayaa shaaca ka qaaday in uusan weli go’aan kama dambeys ah ka gaarin mustaqbalkiisa ciyaareed, kaddib markii kooxda reer Spain go’aansatay inaysan kordhin doonin qandaraaskiisa xilli ciyaareedka 2025/26.
Xiddiga reer Croatia oo 39 jir ah, una ciyaaray Madrid muddo 13 sano ah, ayaa sheegay in uu weli doonayo inuu diiradda saaro kooxdiisa iyo xulkiisa qaranka. Modric wuxuu yiri:
“Milan? Ma sheegi karo wax ku saabsan suuqa kala iibsiga. Waxaan doonayaa inaan diiradda saaro wax walba oo horyaalla Real Madrid iyo xulka. Wali kamaan gaarin go’aan, inkasta oo ay jireen wicitaanno iyo xiriirro. Taas ayaa runta ah.”
Modric ayaa weli doonaya inuu joogteeyo heer ciyaareedkiisa sare si uu ugu diyaargaroobo Koobka Adduunka 2026. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in AC Milan ay hoggaaminayso tartanka saxiixiisa, iyadoo agaasimahooda ciyaaraha, Igli Tare, uu la kulmay Modric si ay uga wada xaajoodaan heshiis cusub.
Heshiiska la filayo ayaa noqon kara hal sano oo lagu darayo ikhtiyaar sanad kale, mushaarkiisuna waxaa loo badinayaa inuu gaari doono €3 milyan sanadkii.
Modric ayaa wali diirada saaraya in uu Real Madrid ka caawiyo guulo ka hor inta uusan mustaqbalkiisa go’aan ka gaarin.