Luis Suarez Oo Rikoorka Dhanka Caawinta Horyaalka La Liga Ku Garaacay Xiddig Walba Muddo Saddex Sano Ah.

Waxaa aad loo hadal hayaa abaarta gooldhalineed ee ku habsatay xiddiga reer Uruguay Luis Suarez kaas oo kaliya 3-gool shabaqa soo taabsiyay 11-kulan uu kooxdiisa u saftay dhamaan tartamada oo dhan fasal ciyaareedkaan, balse waxaa xusid mudan inuu yahay caawiyaha ugu sarreeya La Liga isku darka wadar ahaan saddexdii fasal ee lasoo dhaafay.

Runta waxey tahay in weeraryahankii hore Liverpool uu gacan ka geystay goolal ka badan xiddig walba oo ka ciyaara La Liga xitaa saaxiibkiisa ugu dhaw ee Lionel Messi oo ah kan ugu soo dhaw una soo jira ilaa saddex gool.

Tan iyo fasal ciyaareedkii 2015/2016, Luis Suarez wuxuu caawiyay 44-gool, sidoo kalana wuxuu dhaliyay 113 gool mudadiisa horyaalka, waxeyna goolashaas ahaayeen kuwa aad u saaciday kooxdiisa Barcelona.

Lionel Messi ayaa ah kan labaad ee kusoo xiga kaas oo ka mid ah caawiyayaasha ugu sarreeya dunida kubadda cagta, balse saddexdii fasal ciyaareed ee ugu dambeeyay wuxuu La Liga ka sameeyay kaliya 41 caawinaad.

Toni Kroos iyo Koke ayaa soo buuxiyay afarta ugu sarreysa kuwaas oo aad uga fog xiddiga reer Uruguay, xiddiga reer Jarmal wuxuu caawiyay 29-gool, halka wiilka reer Spain uu caawiyay 26-gool, Antoine Griezmann ayaa booska shanaad soo ciriirsaday kaas oo caawiyay 25-gool.

Neymar (23), Isco (23), Ronaldo (22) iyo Benzema (22) ayaa kusoo xiga.

newest oldest most voted
Aniis abdi
Guest
Aniis abdi

Hhh oo meeeyey laacibkii aduunka modric kumaba jiro xataa caawiyayaasha