Tani waa hadal weyn oo kasoo yeeray halyey hore oo ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or. Luis Figo, oo aan si weyn looga jecleyn Barcelona tan iyo markii uu 2000 ku biiray kooxda ay xafiiltamaan ee Real Madrid.Wuxuu si cad u muujiyay taageerada uu u hayo Lamine Yamal.
Tartanka abaalmarinta Ballon d’Or ee sannadkan waxaa si dhow loollan adag uga dhexeeya Lamine Yamal iyo Ousmane Dembele oo ka tirsan PSG. Dembele ayaa la sheegayaa inuu haysto fursad wanaagsan kaddib markii uu xagaagan la qaaday PSG Champions League.
Ballon d’Or-ka waxaa la shaacin doonaa bisha Oktoobar, waxaana doorashada sameynaya wariyayaal ka kala socda guud ahaan dunida.