Xiddigii hore ee Real Madrid, Luis Figo, ayaa soo jeediyay sababaha uu aaminsan yahay in weeraryahanka Kylian Mbappe uusan ugu guuleysan doonin abaalmarinta Ballon d’Or ee 2025.
Mbappe ayaa xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee Real Madrid la kulmay guulo aan caaqibo laheyn, maadaama kooxda aysan ku guuleysan wax koob weyn ah inkasta oo uu gaaray guulo shaqsiyadeed.
Si kastaba, Figo, oo horey u hantiyay Ballon d’Or, ayaa meesha ka saaray in Mbappe uu tartami karo sanadkan, isagoo ku sababeeyay guuldarada ay la kulantay kooxdiisa marka loo eego dhinaca koobabka waaweyn.
“Wax walba si fiican uguma bilaaban, balse tan iyo markaas wuu fiicnaa,” ayuu Figo ku yiri wareysi uu siiyay AS isagoo ka hadlayay fursadaha Mbappe ee Ballon d’Or.
“Wuxuu dhaliyay goolal badan, wuxuu si fiican ula qabsaday ciyaarta Real Madrid, taasoo gebi ahaanba ka duwan koox kasta oo kale.”
“Waxa meesha ka saari kara abaalmarinta shaqsiyadeed waa inuusan gaarin guulo kooxeed oo waaweyn, laakiin aan aragno waxa dhaca.”
“Mbappe waa magac had iyo jeer ku jira liisaska ciyaartoyda ugu fiican adduunka.”