Luis DÃaz: “Riyadaydu hadda waa inaan ku biiro Barcelona!!! Luis DÃaz ayaa si cad ugu sheegay wakiiladiisa:
“Waxay ahayd saddex sano oo aad u wanaagsan [anigoo jooga Liverpool], balse riyadaydu hadda waa inaan u dhaqaaqo Barça.”
Kooxda Barcelona ayaa xiise dhab ah u qabta saxiixa garabka reer Colombia, iyadoo sidoo kale lala xiriirinayo inuu u wareego kooxda Sucuudiga ee Al Nassr.
Sida uu sheegayo suxufiga caanka ah ee Fabrizio Romano, halka kaliya ee hortaagan heshiiska Luis DÃaz iyo Barça waa qiimaha lagu rabo ciyaaryahanka. Haddii lacagtaasi ay noqoto mid sarreysa sida la warinayo – Barcelona ma oggolaan doonto.
Laakiin iyadoo wararka ay sheegayaan in DÃaz uu hadda si adag u riixayo ku biirista Barça, waxaa laga yaabaa in heshiiska uu si dhaqso leh u hirgalo, maadaama Liverpool lagu qasbi karo inay hoos u dhigto qiimaha si ay u fasaxdo laacibka riyada u ah kooxda reer Catalonia.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Liverpool ay Luis Diaz ku rabto €85 milyan oo euro– taas oo ka dhigeysa mid Barca aysan heli karin. Laakiin haddii qiimuhu hoos ugu dhaco €50 milyan, markaas Barça ayaa heli karta fursad dhab ah oo ay ku keento laacibka Nou Camp.