Luis Diaz ayaa ka hadlay xilli ciyaareedkiisii ugu fiicnaa ee Liverpool, isagoo muujiyay sida uu ugu mahadcelinayo kooxda iyo saaxiibadiisa garoonka.
“Waxaan dareemayaa in aan ku jiro xilli fiican,” ayuu Diaz u sheegay website-ka rasmiga ah ee kooxda.
“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan halkan joogo, inaan ka mid ahay hay’addan weyn iyo kooxdan cajiibka ah. Tan iyo markii aan imid, waxaan dareemayay sharaf weyn.
“Mar walba waxaan ku dadaalayay inaan si adag u shaqeeyo, waxaana hadda arkaa in dadaalkaygii miro dhalay – taasina waxay i gelinaysaa farxad iyo hanweyn.”
Diaz ayaa sidoo kale xusay muhiimadda kooxdiiisa:
“Annagu waxba ma nihin taageerayaasha la’aantood. Waxaan nahay koox isku xiran. Weeraryahanada iyo garbaha mar walba waxay isku dayaan inay keenaan goolal iyo caawinno, waxaana hadda helay tiro fiican oo taas caddayn u ah.
“Waxay ku saabsan tahay ciyaar wanaagsan, caawinta kooxda iyo inaad ciyaarta ku raaxaysato – sida aan mar walba sameeyo.”
Hadalka Diaz ayaa yimid iyadoo ay jiraan warar isa soo taraya oo sheegaya in mustaqbalkiisu aanu caddayn, iyadoo wadahadalladii qandaraaska cusub aanay weli horumar samayn. Barcelona iyo Al Nassr ayaa ka mid ah kooxaha la sheegay inay xiiseynayaan saxiixiisa.